3660 Views

Askari dil ugeestay qof shacab ah oo ku suganaa Jowhar

Askari dil ugeestay qof shacab ah oo ku suganaa Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ku toogtay Qof shacab ah, sida uu inoo sheegay qof goobjooge ah oo halkaasi ku sugnaa

Dilkan ayaa yimid kadib markii Askriga loo diray in u soo xero Qofka shacabka ah, arrintaasina uu ka biyo diiday Marxuumka la dilay, taasina ay sababtay in Askriga uu bartiisa ku toogto Qofkii shacabka ahaa.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Horseed gaar ahaan Laanta Faanoole ee Magaalada Jowhar xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Falkan ayaa waxaa ka carooday dadka shacabka ah, iyagoo oo wada Marxuumka la dilay ayay Banaanbax ka hor dhigeen Afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle.

Waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay in cadaaladda la horkeeno Askriga gacan ku dhiiglaha ah ee dilka geystay, si loogu qaado dambigii uu galay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa arrintan soo fara geliyay, iyaga oo shacabka ku qanciyay in ay wax ka qabanayaan falkan, waxayna durbadiiba soo xireen Askarigii falkaasi geystay.

Marxuumka Geeriyooday ayaa lagu wadaa in lagu Aaso xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment