4803 Views

Masuuliyiinta Xisbiga WADANI,Oo Diiday Xukunka Lagu Riday Masuuliyiintooda

Masuuliyiinta Xisbiga WADANI,Oo Diiday Xukunka Lagu Riday Masuuliyiintooda
____________________________________________________________________________

Haragayso | QOL | May  21, 2017 –—Mauuliyiinta Xisbiga Mucaradka Somaaliland ee WADANI,ayaa k hadlay xukunkii lagu riday Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga kuwaas oo Maanta Mudo kadib Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Hargeysa islamarkaana Xukun lagu riday.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Xisbiga WADDANI oo Xukunka kadib War-Baahinta la hadlay ayaa sheegay in  xariga Halka sano ah ee lagu riday Yoonis ay ka qaadan doonaan Abiil isla markaana uu yahay mid cadaaladda baal marsan.

Waxa kaloo hadalkiisa intaas ku daray in xeer ilaalinta Somaliland ay sii ogayd go’aanka iyo xukunka ay maxkamaddu kasoo saartay,waxaana uu xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in sharciga dalka la ilaaliyo isaga oo ku hanjabay in iyaguna ay ka talaabsan doonaan sharciga hadii aan la dhawrin sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Haragayso

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment