2709 Views

Madaxweyne Trump oo booqanaya Israa’iil

Madaxweyne Trump oo booqanaya Israa’iil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  22, 2017 –—Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya dalka Israa’iil iyo dhulka Falastiin, kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga wuxuu madaxda dalalka Islaamka ku booriyay inay ka takhalusaan argagixisada oo ay ka saraan dalalkooda, isagoona arrintaasi ku tilmaamay inay tahay dagaal u dhaxeeya kuwa wanaaga jecel iyo sheydaanka, balse aysan aheyn dagaal u dhaxeeya diimaha kala duwan.

Mar uu ka hadlayay shirka Mareykanka iyo wadamada Islaamka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudiga ayaa Trump wuxuu dalka Iiraan ku edeeyay inay hurineyso colaadda ku saleysan diimaha, ayna gacan siiso argagixisada ka howlgasha gobolka, wuxuuna intaas ku daray in dalka Iiraan ay taageerto waxa uu ugu yeeray dambiyada aan marnaba la shaacin ee ay geysato dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment