2784 Views

Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle Iyo Beeraleyda Balcad Oo Heshiis Kala Saxiixday

Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle Iyo Beeraleyda Balcad Oo Heshiis Kala Saxiixday
____________________________________________________________________________

Balacad | QOL | May 27, 2017——Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan wadatashi ah la qaatay beeraleyda degmada Balcad kaas oo ay kala hadlayeen sidii Maamulka Hir-Shabeelle Beeraleyda ay taageero u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaarda Beeraha Maamulka hir-Shabeelle iyo sidoo kale inta badan beeraleyda degmada Balcad.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Balcad Cismaan Xaadoole, iyo wasiir ku xigeenka Wasaaarda Beeraha Maamulka hir-Shabeelle Maxamuud Xuseen (Gudbaaye) oo kulanka ka hadlay ayaa ka dalbaday Beeraleyda degmada Balcad in Maamulka degmada Balcad iyo kan hir-Shabeelle ay siiyaan taageero buuxa oo dhinac walbo ah,waxayna  beeraleyda u sheegeen in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin balse dhankooda laga doonayo taageero.
Cismaan Xaadoole,ayaa mar horay u soo noqday gudoomiyaha degmada Balcad,waxana xiligaas uu xilkiisa ku waayay dagaal uu la galay ciidamada booliiska Somaaliya balse haatan uu wado sidii uu u kasban lahaa Shacabka degmada Balcad, maadaama ay kala hadlayeen sidii Maamulka Hir-Shabeelle Beeraleyda ay taageero u siin lahaayeen.
HALKAN k DHAGAYSO 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Balcad 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment