3480 Views

Qatar Oo Ku Dhawaaqday In Ay Lacago Ugu Deeqeyso Soomaaliya Iyo Itoobiya

Qatar Oo Ku Dhawaaqday In Ay Lacago Ugu Deeqeyso Soomaaliya Iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 15, 2017—Dowladda Qatar oo ka mid ah dowladdaha Carbeed islamarkaana dhawaan qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka ay sheegeen in ay xiriirka u jareen ayaa haatan ku dhawaaqday in ay lacag ugu deeqeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ugu deeqayaan lacag dhan 3 milyan oo dollar halka dowladda Itoobiyana ay siineyso lacag dhan 10 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa waxa ay dowladda Qatar ugu tala gashay in wax looga qabto arimaha dhinaca Bani’aadanimada maadaama dalka Soomaaliya ay weli abaar ka jirto taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dowladda Qatar ayaa haatan cadaadis kala kulmeysa Wadamada Carabta qaarkood iyo kuwa Reer Galbeedka ka dib markii lagu eedeeyay in ay taageerto Kooxaha Argagaxisada.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment