4677 Views

Dhagayso:-Wasaarad Amniga Oo Ka Hadashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Dhagayso:-Wasaarad Amniga Oo Ka Hadashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  22, 2017Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxan uu saameyn ku yeeshay dhismaha saldhiga iyo sidoo kale guryaha halkaasi ka akdhow.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa Qaraxan in ay ku dhinteen 5 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 Qof kale, wuxuu sidoo kale sheegay Sayid Carab Gaariga Qarxay nuuciisa in uu ahaa SURF.

Sayid Carab ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare Ciidamada ka soo gaaray Qaraxaasi, wuxuuna Qaraxan ku eedeeyay ururka Al-shabaab.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaya bur bur xoogan oo soo gaaray gaadiid badan oo yaalay hareeraha wadada laamiga ah ee ka agdhaw Saldhiga Degmada Waaberi.

Inta badan wadada iyo aagga Saldhiga waa mid aad u mashquul badan, sababtuna waxa ay tahay in Saldhiga uu ku dhaw yahay Isgoyska Dabka, Isgoyskana waxaa yaallo Koontarool ciidamada Booliska ay  ku baaraan gaadiidka, xilliyada baaritaanka uu adkaado wadada waa mid mashquul badan.

Halkan Ka Dhagayso 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment