3342 Views

Maamulka Hirshabelle oo kahadalay dagaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Mahadaay

Maamulka Hirshabelle oo kahadalay dagaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Mahadaay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  30, 2017—- Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay Qaranimo.com  ayaa sheegay Dagaalkii shalay ka dhacay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 11 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Shabaabka la dilay in uu ku jiray Sarkaal Ajanabi ah, sidoo kalena la dhaawacay qaar kale oo ururka Al-shabaab ka tiranaa.

“Gobolka Shabeellaha Dhexa maalmahan waxaa ka socda Howlgal ka dhan ah Shabaab, oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, waxaan adin xaqiijin karnaa in la dilay 11 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan oo ay ku jiraan saraakiil oo mid ka mid ah uu yahay Ajnabi, kuwo kalena waala dhaawacay”. Ayuu yiri Guddoomiye C/laahi.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo isagana goor sii horeysay Risaala la hadlay wuxuu sheegay Howlgalka Shabeellaha Dhexe in uu yahay mid sii soconaya ilaa Shabaab lagaga saaro degaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment