2523 Views

Baaritaan deg deg ah oo ku socda Marine Le Pen

Baaritaan deg deg ah oo ku socda Marine Le Pen
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  01, 2017—Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Ms Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.

Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.

Dembi baarayaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay.

Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baaritaanka uu yahay mid ay siyaasadaysan. Waxa ay intaa ku dartay in ay iska difaaci doonto dacwad kasta oo lagu soo oogo.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment