2493 Views

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qurbajoogta dalka ku sugan

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qurbajoogta dalka ku sugan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 Luulyo 2017 – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xilal ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxa uu kulanka ku saabsanyahay.

“Marka hore waan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qaybgasheen kulanka, waxa aan idinkugu yeernay in aan idinka tala gelino habraaca aan doneyno in aan ku wajahno Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka; Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaateen dib u dhiska dalka waana lagama maarmaan in laga talageliyo wax walba oo horumarka dalkeenna saameeyn ku leh” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayey sida ay uga go’antahay in Qurbajoogta ay tala ku yeeshaan Geedi-socodka ayuu yiri “Dadkeenna dalka dibadiisa ka yimid ee aan kamid ahay waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda ku biiriyaan Geedi-socodka, waxaa inaga go’an in aan ugu tagno dalalka ay joogaan si aan u xoojino mabda’a aan ku shaqeeyneyno ee ah daah-furnaan”.

Gabagabadii, kulankan ayaa ah mid wadada u furaya in dhamaan dadka Qurbajoogta ah ay ka qaybgalaan ololaha Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo sanadkan gudihiisa ka bilaabmi doona dalka.

wasiir-xoosh-qurbo-joogta-2 wasiir-xoosh-qurbo-joogta-3 wasiir-xoosh-qurbo-joogta-5 wasiir-xoosh-qurbo-joogta-6 wasiir-xoosh-qurbo-joogta-4

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment