3192 Views

Dhallinyaro Qayba Kamidah Gaalkacyo Oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan

Dhallinyaro  Qayba Kamidah Gaalkacyo Oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan
____________________________________________________________________________

Galkacyo   | QOL | 20 Luulyo 2017 Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen dugsiga tababarka xirfadaha ee Mudug iyo hay’adaha SOSDA iyo Daryeel oo iyagu afartii sano ee u danbeeysay door weyn ka qaatay in in kabadan kun dhallinyara ah isla markaana isugu jira wiilal iyo gabdho ay si lacag la’aan ah uga saacidaan barida xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan, kuwaasi oo qaarkood xiligaan ku mareeya nolashooda xirfado ay bareen  ayaa xirtaankiisii waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka degnmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha SOSDA iyo Daryeel, waalidiin iyo marti sharaf kale

Ugu horeyna waxaa munaasabada xiritaanka  ka hadlay Maamulaha xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug Maxamed Daahir Aadan ayaa sheegay in boqal konton iyo lix arday oo dhalinyara ah, isla markaana si lacag la aan ah ay u bareen muddo lix bilood ah xirfado ay ka mid yihiin korantada, makaanikada, kumbuyuutarka, solar system-ka iyo luuqadda English-ka ay maanta ka qalin jabinayaan Xarunta Tababarka Xirfadaha ee Mudug ayna yihiin Dufcadii lixaad ee ka baxda xaruntaasi intii ay shaqeynaysay

Sidoo kale waxaa madasha xiritaanka tababarkaan ka hadlaya C/laahi Macalin oo ku hadlayay magaca Hay adda Daryeel waxaaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in wixii ay muddo ay ku taamayeen ay mira dhaleen, isagoo xusay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ku aadan in la helo dhallinyaro leh xirfado ay ku shaqeysan karaan.

Ugu danbeyna duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay dhalinyaradii tababarka dhameystay, isagoo u mahad celiyay Hay’adaha barnaamijkaan iska kaashaday.

 

aa3 aa5 aaa1 aaa2 aaa7 aaa10 aaaa6 aaaa9

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Galkacyo 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment