4095 Views

Sawiro:-Maamulka Gobalka Sh/Hoose Oo Bilaabay Dhismaha Buundada Dagamada Qryooleey

Sawiro:-Maamulka Gobalka Sh/Hoose Oo Bilaabay Dhismaha Buundada Dagamada Qryooleey
____________________________________________________________________________

Afgooye  | QOL | 20 Luulyo 2017 –Buundada Degmada Qoryooley waxa ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha  qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaana ka muuqda bur bur xoog leh  buundada ma helin wax dayac tir ah sanado badan.

Maleeshiyada shabaab ayaaa dhowr jeer isku dayay in ay jaraan buundada si isku socodka gaadidka iyo dadweynaha ay u istaagan hasa ahaate maamulka degmada iyo dadka shacabka ah oo isgarbsanaya ayaa ka hortagay.

Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhagax dhigay buundada Degmada Qoryooley  waxaana ku sugnaa goobta dhagax dhigista  Maamulka Degmada iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka shabellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka  Amniga Degmada Qoryooley ayaa shegay in buundada ay dhisanthay sanado badan  burburka  ku yimidna ay sababtay in ay istaagan isku socodka gadidka iyo dadweynaha.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa Markii uu dhagax dhigay kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in buundada  aysan in mudda helin dayactir maamulka gobolka shabellaha hoose uu bilaabayo dayactirka buundadan isagoo  maamulada Degmooyinka Gobolka Shabellah Hooose ugu baqay in ay nabada iyo isdhaxgalka  bulshada ay ka shaqeyan.

Gudoomiyaha Gobglka Shabellaha Hoose iyo masuuliyinti la socotay ayaa kormeeray biya xireen ku yaala Degmada Qoryoley iyadoo maamulka degmada Qoryooley  Gudoomiyaha  Gobolka warbixin ka siiyen sida uu  u shaqeyo biya xirenka  maamulka gobolka ayaa degmada qoryooley waxa uu ka hirgelinayaa  leerarka ku shaqeya cadceeda si xiliyada habeenki u u shaqeyo ganacsiga iyo isku socodka dadka.

 

sssaaa kkk hhh 55

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Afgooye

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment