3237 Views

Sawiro :- Shir U Dhexeya AMISOM Iyo Dowlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay

Sawiro :- Shir U Dhexeya AMISOM Iyo Dowlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho    | QOL | 25 Luulyo 2017  – Shir udhaxeeya Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa oo looga hadlaayo sidii ay ciidanka Soomaaliya kula wareegi lahaayeen amaanka dalka markii ay baxaan ciidanka AMISOM ayaa ka furmay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxa uuna socon doonaa mudo afar maalmood ah sida ay sheegeen ka qeyb galayaasha shirka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaasoo dhigaya dhismaha ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro sanadka 2018.

Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay isku furi doonaan waddooyinka go’an, isla markaana ay sugi doonaan ammanka doorashada sanadka 2021.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaalida loo baahan yahay in la qalabeeyo, lana siiyo hubka ay u baahan yihiin, si ay ammaanka ula wareegaan.

AMISOM ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxdo markii la gaaro ugu danbeyn labo 2020 sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda iyo kuwa Midgowga Africa ee Soomaaliya jooga.

0 1 2 3 4 6

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment