2820 Views

Shil gaari oo ka dhacay Jowhar

Shil gaari oo ka dhacay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  –Tuulada Garaash oo qiyaastii 4-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar ayaa waxaa galabta ka dhacay shil gaari oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Shilkan ayaa yimid kadib makii ay isku dhaceen Gaari NOAH ah iyo Mootada loo yaqaano Bajaajta, kuwaasi oo ku socday xawaare sare, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasada degmada Jowhar.

Maxamed Cabdi Sheekh Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasada degmada Jowhar ayaa sheegay shilkan in ay ku dhinteen Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Dumar, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Afar qof oo kale.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Dhanka kale Taliyaha saldhigga degmada Jowhar Maxamed Siyaad (Canjeex) ayaa Ciidamada ilaalada wadooyinka ku amray in ay talaabo sharci ah ka qaadaan Gaadiidleyda sida qaldan wadada u isticmaasha iyo kuwa gawaarida sida xawliga ku wad

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment