2574 Views

Maxaad kala socotaa wararkii ugu danbeeyey ee Galmudug ?

Maxaad kala socotaa wararkii ugu danbeeyey ee Galmudug  ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Wafdigii Xildhibaanada ahaa ee Gaaray Magaalada Cadaado ayaa la kulmay Dhammaan Madaxda maamulka Galmudug sida Madaxweynaha , Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kulamada ayaa ka dhacay Meelo kala duwan sidda Madaxtooyadda Galmudug iyo Guriga Madaxweye ku xigeenka Galmudug.

Waxaa sidoo kale jira kulamo u dhaxeeya Xildhibaanada Muqdisho ka tagay iyo Sidoo kale kuwa maamulka Galmudug.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan horumaro laga sameeyay kulamadii dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Xildhibaanada.

‘Labadii kulan ee hordhaca aheyd ee aan la qaadanay madaxda GALMUDUG state ee shanta ah, waxey noogu soo dhamaadeen si wanaagsan, waxaana uga mahadcelinaynaa sida xilkasnimada leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxaana loo ballamay kulamo kale oo halka ay noo joogto laga sii wadayo” ayuu yiri Fiqi.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan Xaaladda si ay tahay , waxaana labada dhinac ay ka codsadeen in ay xaalada dejiyaan.

b1 b2 b4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment