3117 Views

Golaha Wasiirada Oo Maanta Xilkii Ka Qaaday Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada Oo Maanta Xilkii Ka Qaaday Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
____________________________________________________________________________
Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 —Kulankii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa waxaa ay ku magacaabeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo loo magacaabay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jedisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,sida uu qabo sharciga.

Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

SONNA

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment