2886 Views

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Dadkiisa Ugu Baaqay Garab Istaagga Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Jabuuti  Oo Dadkiisa Ugu Baaqay Garab Istaagga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Jabuuti  | QOL | 22  October 2017 – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada Jabuuti waxaa uu baaq ugu diray Dadka shacabka ah ee Reer Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa shirkiisa jaraa’id ku cambaareeyay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso horumar muuqda oo ay dooneyso in ay kaga kabato dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka reer Jabuuti ugu baaqay in ay taageero niyad iyo maal ahba isugu daraan shacabka Walaalahood ah ee Soomaaliyeed oo ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso amniga dalkeeda islamarkaana ay jiraan cadaw diiddan in Soomaaliya ay ka baxdo dhibaatada iyo amni la’aanta mudada ka jirtay.

Waxaa uu shacabka Jabuuti ka codsaday in si rasmi ah isu garab istaagaan Walaalaha Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkaas waxaa ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in ay ku dhinteen 358 Qof 228 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen iyada oo sidoo kale la la’yahay 56 Qof oo aan raq iyo ruux midna lahayn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Jabuuti 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment