2298 Views

Booliska Kenya Oo Xiray 3 Ruux Oo Lala Xiriirinayo Al Shabaab

Booliska Kenya Oo Xiray 3 Ruux Oo Lala Xiriirinayo Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 04, 2017 –Ciidamada Booliska ee Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay 3 ruux oo doonayay in u safraan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Dagaalyahannada Al Shabaab.

Saraakiisha Booliska ayaa rumeysan in Saddexdaasi ruux oo ah muwaadiniin u dhashay Kenya ay wadeen qorshe ay ku damacsanaayeen in ay ku biiran Al Shabaab, kadibna ay weeraro ka fuliyaan gudaha Dalkaasi.

Qoraal uu soo bandhigay Booliska Magaalada Mombasa ayuu ku dheegay in saddexda ruux ee laqabtay looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen weerar ka dhacay gudaha Kenya oo ay qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Ms Malhassan ayey Booliska ku eedeeyeen in ay qeyb ka ahayd weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Keymaha Boni ee Xadka Soomaaliya Sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale Boolisku waxa ay sheegeen in Haweeneydaasi ay Sanadkii 2014-kii isku dayday in ay u socdaasho Soomaaliya, si uga mid noqoto Xarakada Al Shabaab ee ka howlgala Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Mombasa ayaa sheegay in saddexda ruux ee gacanta lagu dhigay ay wajihi doonaan Xabsi Daa’in haddii lagu helo cadeymo ku saabsan dambiyada loo heysto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Hargaysa 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment