2688 Views

Saraakiishii cusbeyd ee ciidanka Booliiska oo la dhaariyay

Saraakiishii cusbeyd ee ciidanka Booliiska oo la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 4, 2018 – Kadib markii maalin hore tababarkii leyli sarkaalka ay ku soo qaateen qeybo ka mid ah dalka dibadiisa ayaa RW Xasan Cali Kheyre tababarkoodii uGu soo xiray xarunta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye halkaa oo uu uGu xiray darajooyinkoodii ay tababarka leyli sarkaalka usoo qaateen.

Maanta oo ay tahay Janaury 4, 2018 ayaa dhamaan saraakiishaasi lagu dhaariyay xilkooda iyo darajooyinkooda si ay u gutaan waajibkooda qaran ee loo igmaday.

Munaasbadaan oo loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxaa goob joog kahaa wasiirka Amniga Qaranka Mudan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliye xigeenka Ciidanka Booliska ahna kusimaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrah, xildhibaano iyo saraakii ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

dhaar-saraakii-boolis-5 dhaar-saraakii-boolis-3 dhaar-saraakii-boolis-4 dhaar-saraakii-boolis-2 dhaar-saraakii-boolis-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment