2433 Views

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6 2018 —- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay madaxda Golaha Amniga Qaranka kaasi oo ka dhacay madaxtooyadda soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaaa madaxda maamul gobaleedyada oo muqdisho usoo gaaray ka qeyb galka shirka amniga qaranka oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa ku suganaay reysal wasaaraha soomaliya iyo gudoonada labada aqal ee baarlamaanka soomaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka, kulan ayaa gogol xaar u ahaa shirka maanta furmaya ee ey yeelanayaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo Madaxda Qaranka.

Shirkaan Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa qorobo dhowr ah oo diirada lagu saari doono, Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-9 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-16 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-7 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-8 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-10 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-15 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-18 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-13 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-25 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-21 Madaxweynaha_Jamhuuriyadda_Federaalka_Soomaliya_oo_furay_shirka_amniga_Qaranka-24

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment