3291 Views

DHAGAYSO:-Madaxweynaha Jubaland Ka Hadlay Go’aanka Jubbaland Ee Xiisada Ka Taagan Balad Xaawo

DHAGAYSO:-Madaxweynaha Jubaland Ka Hadlay Go’aanka Jubbaland Ee Xiisada Ka Taagan Balad Xaawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 24, 2018–Maalmihii la soo dhaafay waxaa magalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya kadib markii Kenya ay iskudayday in ay dib ubilaawdo dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xadka dhanka Balad Xaawo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo deegaan ahaan ka tirsan Maamulkiisa halka Kenya ay dooneysokenya  in ay darbiga ka dhisto ayaa Markii ugu horeysay wax uu ka hadlay isqabqabsiga ka taagan halkaas.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xadka  Soomaaliya uusan aheyn waxla qaldi kara maadama labada dowladood ay leeyihiin Xaduud aad u dheer,isla markaana horay halka leyski heysto loo diray Gudi uu hogaaminayay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/Faarax Siciid Juxa.

“Runtii xaduudka labada dal waa mid cad balse waxaa jira isku-guur guuris maadaama dalka mudo 30 Sano ah dalka uusan laheyn wax dowlad ah.laakin waxa ay u baahan tahay in ilgaar ah lagu eego,waxana idin sheegaya in dhawan ay ka wada hadli doonaan isqabsigaas labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana uu isagu goobjoog ka noqon doono si Siyaasad ahaan wax oo xakiyo”

Sikastab xiisada ka dhalatay Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliya,isla markaana ay dhisaneyso qeybo ka mid ah Degmada Balad Xaawo ayaa ah mid soo nqo noqatay,waxana Maanta Xubnaha Aqalka sare ay u yeereen Afar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya si wax looga weeydiiyo.

Halkan Ka Dhagayso 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment