2079 Views

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey in ay bilaabi doonaan canshuurta Guryaha

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey in ay bilaabi doonaan canshuurta Guryaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 — Maamulka Goblka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono Canshuurta Guryaha laga qaado si loo diiwaangeliyo Guryaha ku yaallo Muqdisho kadibna helo xauuqda uu ku leeyahay Maamulka GobolkaBanaadir.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir qorshihiisu uu yahay in uu kordho dhaqaalaha gobolka si dadka Muqdisho ku nool loogu fuliyo adeegyada ay u baahan yihiin.

“Waxaan idiin sheegayaa in aan dhawaan bilaabi doono qaadista casnhuurta Guryaha,waxana naga go’aan in dadka aan dib ugu soo celino waxa ay u baahan yihiina ugu fulino,waxana uga gol leenahay in aan marwalba ka tashano wax dibada ka yimaada ayuu yiri guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur Guddoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Banaadi

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment