Moqdisho,August 14, 2021 —Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa gaaray hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo shir uu uga socdo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.
Musharax Daahir Geelle oo dhawaan dalka kusoo laabtay ayaa kiciyay Siyaasaddii fadhisay ee Soomaaliya, isaga oo noqday hoggaamiyaha ugu aragtida dheer habka ay u socota xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isbedelada loo baahan yahay.
Midowga Musharxiinta ayaa kulanka waxaa ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan kuwa aqalka sare, iyada oo la filayo ayaa inay war kasoo saaraan.
Musharax Daahir Geelle ayaa dhawaan banaanka keenay in si aan wanaagsaneyn ay ku socdaan howlaha doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare, taas oo keentay in Maanta Midowga Musharixiinta ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan.
Musharrax Daahir Geelle ayaa ku dhiiraday dhaliisha habka loo maamulay doorashada aqalka sare oo bulshada Soomaaliyeed ay aad u dhaliileen sida ay madaxda Maamul Gobaleedyadu usoo xuleen musharraxiinta xildhibaanada aqalka sare.
Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish
____________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________