Dhusa mareeb | QOL | 20 Luulyo 2017 –Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka codsatay Hay’adaha Gargaarka in ay caawiyaan dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee kunool degaanada Ahlusunna.
Waxaa uu sheegay in dhibaato badan ay heysato dadka kunool degaanada maamulkaasi, isagoona sheegay in Hay’adaha gargaarka laga doonaayo in ay kaalintooda ka qaataan.
Madaxweynaha ayaa shalay kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgalla degaanada maamulka Ahlusunna.
Abaaro daran ayaa wali ka jira gobolada Mudug iyo Galgaduud , waxaana dhawaan uu Madaxweynaha Galmudug uu sheegay in dadkii kunoolaa Galmudug ay barakacayaan.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Dhuusa Mareeb
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________