5- Marso, 2021
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayay Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay afaafka hore ee Makhaayada Luul Yamani oo ku dhegan dekadda magaalada Muqdisho.
Jugta Culus iyo Qiic ayaa hareeyay xaafadaha wabari xamarjajab oo Deegaan ahaan ay ku taalo Maqaayada, waxaana qaraxan uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu gaystay qasaare ka sokow uu qasaare u geestay Mootooyinkii iyo Gaadiidkii marayay wadada.
Qaraxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uu sidoo kale qaraxa sababay bur bur , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in guri dabaq ah oo kuyaala meel ku dhaw goobta qaraxa ka dhacay uu soo dumay ayna ka dhalatay waxyeelo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________