muqdisho /Qol/ March 11, 2021
Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse oo ku geeriyooday Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in Janaraal Axmed Jaamac uu ahaa halyey Soomaaliyeed oo wax badan dalka usoo qabtay, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.
Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rpooble ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Janaraal Axmed Jaamac, waxa uuna sheegay in Janaraal xasuusnaan doonaan waxqabadkiisa dalkana ugu soo adeegay si hagar la’aan ah.
Sidoo kale Janaraal Axmed Jaamac Muuse, oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska, waxaana sargaalkan uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho uu ku xanuunsanaa.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________