Muqdisho | QOL | May 06, 2017 —Dowladda Kenya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ku wareejisay dadka Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa dalka Kenya.
Taliyaha Ciidamada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani ay ku jireen Konteenaro ku yaalla dalka kenya,halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi Markii hore laga waday Soomaaliya , islamarkaana la doonaayay in laga ganacsado.
Maamulka Jubbaland ayuu sheegay taliye Heybe in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya in ay u suurta gelisay in lagu soo wareejiyo dadkaani.
Tirada dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa dhan 47 qof.
Dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ee Muddada ku dhibaateysnaa dalka kenya waxaa ku jira haween iyo Caruur.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________