4326 Views

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 January 2016:  Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

Mudane Diini ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada xoogan ee dawladdoodu la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.

“Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro Cadowga”.

“Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.

Kulanka ayaa waxaa ayaa Wasiirka kala qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

diini-sarkil-3

diini-sarkil-1diini-sarkil-2

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment