3843 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: “Bulshada waxaan farayaa in boorarka afka qalaad ku qoran lagu badalo afka hooyo”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: “Bulshada waxaan farayaa in boorarka afka qalaad ku qoran lagu badalo afka hooyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 January 2016: Maamulka gobolka Banaadir ayaa faray ganacsatada in boorarka ku qoran afka qalaad ay u badalaan Afka hooyo, si loo horumariyo Afka Soomaaliga.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlayay dibad bax taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (Go to School) ayaa sheegay in ganacsatada iyo cidkasta oo boor ugu dhaganyahay goobaha ay ku shaqeystaan looga baahanyahay inay ku qoraan afka Soomaaliga ah, isla markaana aan laga ogolaan doonin kuwa ku qoran afka Qalaad.

Guddoomiyuhu waxa amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka soomaaliga ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment