5262 Views

Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga Oo La kulmay Amiir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis

Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga Oo La kulmay Amiir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 03 February, 2016: Mudane Daahir Maxamud Geele, oo ah  Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa la kulmey Amiir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis oo ka mid ah maalqabeenada oo sida weyn loogu yaqaan aduunka, waxaana kulanka joogey Salim Macow Xaaji oo ah lataliyaha koowaad isla markaana ah ku xigeenka safiirka iyo Mudane Cali Maxamud Xaaji.

Danjiraha ayaa Amiirka ugu mahadceliyey booqashadii taariikhig ahaa ee uu ku yimid magaalada Muqdisho 27 Agoosto, 2011, markaasi uu dalka ka jirey abaaro ba’an, Iyo sidoo kale wuxuu ugu mahadceliyey kaalmadii uu ugu hibeeyey dadkii markaasi abaaraha ku waxyeeloobey.

Dhanka kale, danjiraha ayaa Amiirka ka codsadey inuu maalgashi ka sameysto dalka Soomaaliya, asagoo u sharxey fursadaha maalgashiga ee dalka ka jira. Wuxuuna farta ku fiiqay in arintan ay dhiiri gelin weyni u noqon doonto dadka kale oo maalqabeenada ah ee doonaaya iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

1 (1)

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment