3741 Views

Wasiirka Gaashaandhigga: “Marko waxaa gacanta ku haya Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM”

Wasiirka Gaashaandhigga: “Marko waxaa gacanta ku haya Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 February, 2016: Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,ayaa si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyey howlgallo ballaaran oo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Wasiir Diini ayaa sheegay in  Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan degmada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu yahay mid la isku haleyn karo. Wuxuna ugu baaqay shacabka dagan gobolka Shabellaha Hoose in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaanka ee Dowlada

“Ciidamadeena geesiyaasha ah iyo walaalaheena AMISOM, ayaa gacanta ku haya degmada Marka, xaaladuna aad ayay u dagan tahay” ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas ku darey “Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaas dhibaatada ku haya, dhaqanka, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

“Bulshada ku dhaqan degmada Marko waxaa looga baahan yahay khilaafka dhex dooda  ka jira in ay ku dhameeyaan nabad iyo is af garad, si cadowga ummada Soomaaliyeed uga faa’iideysan khilaafkooda”ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas raaciyey in guud ahaan deegaanada ay ku harsan yihiin Argagixisadu dhawaan laga saari doono, hadii Allah idmo.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay in aysan ka bad badin wararka la xiriira xagga amniga, waxana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay gaysanayaan Argagixisada.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment