3312 Views

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday in gurmad lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday in gurmad lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 March 2016: Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha Dalka gudahiisa.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in kulamo gaar gaar ah ay la qaateen hay’adaha samafalka ee ka howlgalla dalka, waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay qaadan doonto doorka uga aadan gurmad u fidinta dadka ay abaraha saameeyeen.

“Wasaaraddu waxa ay wada shaqeyn la  leedahay hay’adaha samafalka, waxaana ka wada hadalnay in gurmad la gaarsiiyo deegannada ay abaarta ka jirto, dadka Soomaaliyed waxaan ka codsanaynaa inay gacan ka geystaan caawinta bulshada” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Xidig.

Qaar ka mid ah deegaannad waqooyi bari ee dalka, gaar ahaan deegaannada Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay ka jirto abaaro baahsan oo saameyn ku yeelatay noloshada dadka iyo duunyada ila haddana an wax loo qabanin.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment