3036 Views

Mooshin ka dhan ah shirka Hiran iyo Sh/Dhexe oo Baarlamaanka Somalia loo gudbiyay

Mooshin ka dhan ah shirka Hiran iyo Sh/Dhexe oo Baarlamaanka Somalia loo gudbiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14, 2016: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin lagu hakinayo Shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, u gudbiyay Guddooonka Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaannada mooshinka ayey ku xuseen in Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe laga dhigo wixii ka dambeeyay Bisha Septmeber ee Sanadkan 2016ka.

Cabdullahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ayaa sharraxay waxa uu ku qotomo Mooshinka ay gudbiyeen asaga iyo saaxibadiisa.

Goodax ayaa mooshinka ku tilmaamay in uu yahay mid ay ku dalbanayaan qaraar Baarlamaan oo ay ka doonayaan in Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxweynaha ay ogolaadaan fikradaas.

Waxaa uu sheegay in sababta ay u dalbanayaan Mooshinka ay tahay in ay jirto Xiisad siyaasadeed,islamarkaan haddii ay sii socoto sababi karta colaad dhex marta Beelaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment