3033 Views

Wasaaradda A. Gudaha oo rajo ka qabta in ay keento Odayaasha ka maqan Shirka Jowhar

Wasaaradda A. Gudaha oo rajo ka qabta in ay keento Odayaasha ka maqan Shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Odayaasha dhaqanka ee wali ka maqan shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay dhowaan ku soo biiraan si shirka u hirgalo.

Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qiray inuu jiro caqabado dhinaca odayaasha dhaqanka ee shirka ka maqan, isagoo xusay inuu socdo kulamo iyo u kala dab qaadista ergooyinka shirka ka qeyb gelaayo.

“Caqabado dhinaca odayaasha dhaqanka ee shirka ka maqan ayaa jira, laakiin dowladda Federaalka kama sabarsana, howshaas gacanta ayaa lagu hayaa u kala dab qaadisteeda ayaa socda, rajo fiican ayaa ka qabnaa in odayaasha maqan inay gogosha ku soo biiraan”ayuu yiri Yaxye Cali Hareeri.

Intaa waxa uu raaciyay in hanaanka loo marayo maamul u sameynta labada gobol ay qorsheynayaan in dhamaadka bisha Ramadaan ku soo gaba gabeeyaan, isla markaana ay howsha socota la xoojin doono lana dhameeyn-doono.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa wali jahwareer ku jira, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa horay u qaaday shirka, iyagoo diiday inay tagaan magaalada Jowhar oo ah halka ay gogosha taallo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment