2862 Views

Booliska AMISOM oo sugaya amniga xilliga doorashooyinka

Booliska AMISOM oo sugaya amniga xilliga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 14, 2016: Booliska AMISOM ayaa sheegay inay kala shaqeyn doonaan Booliska Soomaaliya sugida amniga dalka xilliga doorashooyinka in kastoo an la ogayn in Xamar kaliya ay tahay iyo in kale.

Christine Alalo Kuxigeenka Booliska AMISOM, ayaa sheegay in si adag u sugayaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.

“Annagoo kaashaneyna Booliska Soomaaliyeed waxaa wada-jir uga wada shaqeyn doonaa sugida amniga goobaha doorashooyinka”ayuu yiri Kuxigeenka Booliska AMISOM.

Christine Alalo waxaa uu xusay in ciidanka booliska AMISOM ay u tababaran yihiin ka hor-tagga falalka amni darro, iyo hadii ay dhacaan qalalaaso.

Bishaar Cabdi Geeddi, taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa asna sheegay in ciidamo gaar ah loo diyaariyay sugida amniga doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Doorashooyinka dalka dhacaya bisha October ayaa waxaa la sheegay inay ka jiraan wal wal xaga ammaanka, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ay Al-Shabaab ku qaado meelaha ay doorashada ka dhacayaan, taas oo loo baahanyahay in aad indhaha loogu hayo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment