3237 Views

Qarax ay ku dhinteen rag aasayay miino

Qarax ay ku dhinteen rag aasayay miino
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 13, 2016: Qarax aad xooggan ayaa xalay laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Ex Kontarool Balcad ee degmada Huriwaa ee duleedka Gobolka Banadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu dhacay goor waabergi ahayd; qaraxaan ayaa ahay miino dhulka lagu aasayay, kaasoo ku qaraxyaday raggii aasayay, sida uu xaqiijiyay C/fataax Xalane oo ah afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

“Xalay saqdii dhexe kooxo miino dhigayay ayaa dhibkii ay umada la rabeen ay iyaga ku noqotay, labo ka mid ah kuwii miinada aasayay ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ka bad baaday”ayuu yiri C/fataax Xalane.

Waxaa uu sheegay in raggaas miinada aasayay ay ahaayeen Al-Shabaab, isagoo xusay in dhibaatadii ay u maleegayeen shacabka uu ayaga Alle ku celiyay, kuna dhinteen sida uu yiri.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaa la filayaa in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Hey’adaha ammaanka inay faah faahin ka bixiyaan.

Uguma horrayso in koox miino aaseysay ay ku qaraxdo, waxaa dhowr jeer dhacday ragg miino ku aasayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay noqdeen kuwo ku dhintay, markii ay qaldeen qaabka loo aaso minooyinka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment