5136 Views

Itoobiya oo ka digtay Madaxweyne aan aheyn HAWIYE

Itoobiya oo ka digtay Madaxweyne aan aheyn HAWIYE
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 19, 2017 – Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa waxa si qoto dheer looga hadlay saadaasha siyaasadda Somalia iyo murashaxa noqon kara madaxweynaha mustaqbalka ee Somalia.

Warbixinta bilaha ee CDRC, oo guddigeeda agaasinka uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin, islamarkaana cinwaan looga dhigay waxyaabaha ku hareeraysan xilliga kala-guurka Somalia, ayaa waxaa lagu muujiyey juqraafiyadda siyaasadda ee Somalia iyo qaabka ugu suurto-galsan ee awood-qeybsiga Somalia iyo loolanka beelaha ee xilka madaxtinimada.

Warbixinta hay’adda CDRC, oo la shaqeysa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaa si hoose loogu eegay xifaaltanka beelaha waa weyn ee Somalia.

Beelaha Hawiye oo ay warbixintu sheegtay inay ku nool yihiin deegaano ku hareeraysan magaaladda Muqdisho, ayaa sida ay leedahay waxay rumeysan yihiin in haatan la joogo xilligii ay hayinka u qaban lahaayeen talada dalka, iyagoo ka careysan beelaha Daarood, gaar ahaan Beelaha Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhul-bahante, oo ay xadgudub ka tirsanayaan, muddadii uu xilka hayey rejiimkii Maxamed Siyaad Barre.

Qoraalka cilmi-baarista ee xarunta CDRC oo ka kooban 15 bog, waxaa lagu xusay marka la eego taariikhda iyo xaqiiqaha haatan jira in caqligu oggolaanayo inay beelaha Hawiye ay sii hayaan xilka madaxweynaha Somalia.

Marka la eego dareenka sii kordhaya ee laga qabo hoggaanka liita ee Abgaal, in fursad la siiyo qabiil aan Hawiye ahayn waa wax macquul ah, hase yeeshee taasi sidoo kale waxay dhallin kartaa cawaaqib xun, ayey tiri warbixinta.

Warbixinta xarunta CDRC waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la fahmo dareenka ka jira Muqdisho ee ah in siyaasiyiinta Soomaalida ee aan ka soo jeedin beelaha Hawiye ay magaalada ku yihiin marti.

Waxay warbixintu sheegtay in haddii Hawiye laga qaado madaxtinimada, loona ogolaado qabiil kale inuu qabto xilkaasi , gaar ahaan qabiilka Majeerteen inay  taasi u ogolaan doonto in kooxaha xagjirka sida Al-Shabaab ay Muqdisho ka dhigaan goob lagu ciyaaro, oo ay hawlaha dowladda ka dhigayso mid aan suurto-gal ahayn in habeen lagu sii shaqeeyo.

Warbixinta waxay xustay in xilligii uu C/llaahi Yuusuf hayey madaxtinimadda Somalia ay Al-Shabaab kordhiyeen dagaalkii ay ka wadeen Muqdisho, waxayna ka digtay in qof aan Hawiye ahayn oo madaxweyne noqda ay dib-u-dhac weyn ku noqon karto dowladda iyo ammaanka iyo xaqiijinta guulaha Somalia ee 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Warbixinta waxaa lagu soo qaaday sida loogu baahan yahay in dalalka gobalka ay  aad u fahmaan cawaaqib-xumidda ka dhalan karta siyaasadooda iyo inay garwaaqsadaan saamynta arrintaasi ee Somalia iyo guud ahaan mandiqaddan.

Xarunta CDRC waxay dalalka gobalka u bidhaamisay inaysan ku hodmin halkii ay danahooda gaarka ka eegan lahaayeen siyasadda Somalia.

Sidoo kale, warbixinta waxay qortay inay jiraan isku-dayo muuqda ee kuwa ku sugan gobalka ay ka shaqeynayaan inay heshiis iskaashi la galaan qeybo dibedda ka jooga mandiqada, si madaxweynaha haatan looga horjoogsado in mar kale lasoo doorto.

.

.

Xigasho Horumar Online

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment