3159 Views

Xoghayaha Guud ee QM oo Muqdisho soo gaaray

Xoghayaha Guud ee QM oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 7, 2017 – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres ayaa kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay kaga hadleen arimo khaas ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres, ayaa kawada hadlay xaalada ka jira Somalia, Siyaasada, Amniga, Horumarka, Xukuumada cusub iyo Abaaraha.

Labada mas’uul ayaa ku dheeraaday arrimaha Amniga iyo Abaaraha, waxa ayna isla fahmeen in lagama maarmaan ay tahay in leyska garabsado xaalada taagan.

xoghayaha-QM-Muqdisho-2

Haddaba safarkaan uu maanta Muqdisho ku yimid Antonio ayaa hal arrin oo muhiim ah kaga dhigan dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaamiye Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Waxaa la ogyahay inuu Farmaajo talada dalka hayo muddo 1 bil ah waxayna safarka heerkaan oo kale ah muujinayaa inay beesha caalamka ku kalsoonaato dowladda cusub ee Soomaaliya iyo in Muqdisho ay  weli amni tahay oo la imaan karo.

Midda ugu muhiimsan ayaa aheyd inaan maanta magaalada Muqdisho laga dareemin saasaan muujineyso inuu Mas’uul heerkaan oo kale ah imaanayo magaalada mana jirin wax jid ah oo la xiray waxayna caddeyn u tahay inay dowladda Farmaajo wax badan ka duwan tahay tii Xasan Shiikh inkastoo aan weli si fiican loo baran dowladda cusub oo la arki doono wajiga ay la timaado iyo waxqabadka ay soo muujiso.

xoghayaha-QM-Muqdisho-3

Waxaa sidoo kale dhawaan dalka soo galay madax ay ka mid yihiin Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo Ismaaciil cumar Geele oo ah madaxweynaha Jabuuti oo dhammaantood ka qeybgalay xafladdii heerka sare aheyd ee lagu caleema saaray Madaxweyne Farmaajo

Madaxda Caalamka ayuu sidoo kale safarkaan tusaale u yahay waxaana la filayaa inay dhawaan soo gaaraan muqdisho madax kale oo ka imaanayo adduunyada qeybaheeda kala duwn.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment