4239 Views

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso
____________________________________________________________________________

Muqdisho, March 8, 2017 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hambalyo u diray haweenka Soomaalyeed, isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka.

“Inkastoo aaney aheyn maalin la xafladeyn karo oo dalka ay Abaaro ka jiraan oo ay caruurteenu gaajo u dhimanayaan, waxaanse rabaa inaan idin xasuusiyo muhiimada ay leedahay inaan gacmaha is qabsano oo aan wadajir ugu istaagno gurmadka shacabka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in haweenka ay yihiin laf dhabarka bulshada iyo gargaar fidinta.

“Sideeda maarso waa maalin na xasuusineysa sida ay lagama maarmaan u tahay illaalinta xaquuqda hooyooynka iyo gabadhaheena Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa in xukuumadeyda ay ka hortagto tacadiyada ka dhanka ah haweenka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada sideeda Maarso.

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maalinta 8-da Maarso ee haweenka adduunka, waxaan ku boorinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb libaax ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen”.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu dib u furi doono Iskuul ay wax ku baran jireen gabdho Soomaaliyeed oo howlihii waxbarasho ee Iskuulkaasi u hakadeen duruufo dhaqaale owgeed, isaga oo cadeeyey inuu bixin doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si ay dib loogu bilaabo waxbarashadii gabadhaasi.

rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-6 rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-2 rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-4 rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-5 rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-1 rw-kheyre-hambalyo-8-maarso-3

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment