3681 Views

Dowladda Sucuudiga oo ka hadashay Gantaalkii lagu dilay dadka Soomaaliyeed

Dowladda Sucuudiga oo ka hadashay Gantaalkii lagu dilay dadka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Iyadoo Shalay Gantaal lagu dhuftay dooni ay Saarnaayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo Maraysay Xeebaha dalka Yemen ayaa arintaasi waxaa ka hadashay xulufadda dowladda Sucuudiga ay hogaamiso ee dagaalka ka wadda dalka Yemen.
Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri oo ah Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in Weerarkaasi aysan geysan diyaaradahooda ,islamarkaana ay geysteen Xuutiyiinta.
Waxaa uu sheegay in goobta dadkaasi lagu dilay aysan Weeraro ka fulin Diyaaradaha Sucuudiga ,laakiin ay ku tuhun san yihiin in ay ka dambeeyeen Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen.
Waxaa uu u sheegay Al-Carabiya in dowladda Sucuudiga isbaheysiga ay hoggaamiso in aysan beegsan doomaha iyo sidoo kale goobaha Xeebaha ah ,ayna halkaasi joogin ciidankooda.
” Howsheena mahan midaasi aagaasi maba tagno mana duqeyno marka warku waa uu Cadyahay oo dadkaasi waxaa laayay Xuutiyiinta” ayuu yiri Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri.
Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dhankooda xusay in aysan haysanin diyaarado Gantaalo rida ,dadkaasi masaakiinta ah in ay laayeen Ciidamada Sucuudiga.
Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka.
Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.
42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay ka naxday falka lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaaliyeed.Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonto dhacdadaan Xanuunka badan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment