3240 Views

Muuqaalka Markabkii lagu afduubtay Xeebaha Puntland.

Muuqaalka Markabkii lagu afduubtay Xeebaha Puntland.
____________________________________________________________________________

Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay Markabkii ay qafaasheen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaalida balse markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo Markabkaasi.

Markabka Arra-13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana markabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay kasoo horjeedaan sumeynta ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Badda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xoog kusoo furteen Markabka la afduubtay halka Odayaasha degmada Caloola dhankooda sheegeen in waan waan ay sameeyeen lagu sii daayay markabkaasi ay qafaasheen dhalinyaro sheegtay in ay yihgiin Kaluumeesato.

aris_1 aris_2 aris_3

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment