3075 Views

DHAGAYSO:- Madaxweynaha CAF oo kahadalay Imaashaha Muqdisho “sawiro”

DHAGAYSO:- Madaxweynaha CAF oo kahadalay Imaashaha  Muqdisho “sawiro”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 17, 2017–Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika Ahmed Ahmed, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diriye iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika, ayaa waxaa loo galbiyay Magaalada gudaheeda, isaga oo booqasho ku tagay Garoomadda Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Muqdisho ku dhex yaal.

Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadio Muqdisho, balse hadda Ciidamada AMISOM fariisin Millitari ay ku leeyihiin ayuu tagay Madaxweynaha, halkaasi oo uu soo arkay sida Garoonka u bur bursan yahay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diriye ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in maanta Magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyo Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Qaarada Afrika.

Mr.Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxaana uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20

 

HALKAN KA DHAGAS=YSO 

 

SAWIR QAADE :NUURADIIN MAXAMAD AXAMAD 

zzzzzzz 1 zzzzzzzzz4 zzzzzzzzzzzz 3 zzzzzzzzzzzzzz6 zzzzzzzzzzzzzzzzz 5 zzzzzzzzzzzzzzzzz7

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment