6114 Views

Maamulka Hirshabelle Oo Baaq U Diray Hay’adah Kahowlgala Deeganada Uu Maamulo Maamulka Hirshabelle

Maamulka Hirshabelle Oo Baaq U  Diray Hay’adah  Kahowlgala Deeganada Uu Maamulo Maamulka Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 28, 2017 –Wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle Axmed C/kariin Maxamed ayaa Hay’adaha ka howlgala Degaanada Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay in ay Isbitaaladooda furaan, ayna u shaqeeyaan shacabka.

Waxa uu sheegay hadii ay sameyn waayaan intaasi, in ay si deg deg ah uga bixi doonaan Degaanada Hirshabeelle, ayna mar hore ku war geliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in wax loo qabto shacabka ku dhaqan Degaanada Hirshabeelle oo ay soo riteen Cudurada ay keentay Abaarta,

Dhanka kale Axmed C/kariin Maxamed Wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay cudurada shuban biyoodka iyo Daacuunka in ay u dhinteen ilaa 6 Qof, dadkana ay jiifaan geedaha hoostooda.

Waxa uu sheegay Maamulka Hirshabeelle in uu wado dadaalo wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan, si loo badbaadiyo.

Abaaraha ka jira dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo xoogan oo wata cuduro daran, kuwaasi oo inta badan ku dhacay Haweenka, caruurta iyo dadka jilicsan, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay wadaan dadaalo dadkaasi lagu badbaadinayo.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment