2676 Views

Ciidamada Amaanka Oo Howlagalo Xogan Kawada Jowhar

Ciidamada Amaanka Oo Howlagalo Xogan Kawada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka wada duleedka Magaalada Jowhar kadib markii xalay qarax Miino iyo dagaal toos ah lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay qeybo kamid ah duleedka jowhar.

Ciidamada ayaa howlgalka ka wada deegaanka Kili-maseerow, ee duleedka jowhar halkaas oo ah goobtii qaraxa lagula eegtay dagaalkuna uu ka dhacay sida uu Qaranimo.com u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa baaraya gaadidka maraya Wadadaas iyo Xaafadaha qaar halka mararka qaarkood ay dadka socotada ah baarayaan.

Weli lama shaacin dad ay howlgalkaas ciidamadu ku qabteen balse waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamadu ay goobta ka dhigteen fariisin,iyadoona Saraakiisha ciidamada dowladda xiriir aan la sameynay ayna noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino howlgalka.

.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment