2478 Views

Dhagayso :-Wasaarad Maliyada Oo Sheegatay In Ay Kawarqabto Waxyaabaha Dunida Laga Aqbalayo

Dhagayso :-Wasaarad Maliyada Oo Sheegatay In Ay Kawarqabto Waxyaabaha Dunida Laga Aqbalayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in la xoojinayo Xiriirka wada shaqeyneyd ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidooo kale sheegay in la mideynayo Canshuuraha isla markaana ay si wanaagsan dhaqaalaha dalka hormarintiisa ugu wada shaqeynayaan Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyada ee Maamul goboleedyada Dalka.

Wasiirka Beyle, ayaa sidoo kale, xusay in Xukuumada Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.

Halkan Ka Dhagayso 

Waxa uuu tilmaamay in shirkii Maalmahaan Magaalada Muqdisho ugu socday aad loogu hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Midynta Canshuuraha Dalka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii loo dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment