2874 Views

Ciidamad Xooga Dalka Oo Fuliyey Arin Siweyn Loogu Wada Farxay

Ciidamad Xooga Dalka Oo Fuliyey Arin Siweyn Loogu Wada Farxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—–Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee Meleteriga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ebid sameeyay talaabo lagu farxo aan lagu arkin dowladdihii dalka Soomaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Meleteriga guutada 60aad ee Milatariga ,ayaa lacago ay ka jareen mushaarkooda u qeybiyay barakacayaal ku nool degmada Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir kuwaas oo ay ka muuqatay dhibaato dhanka Nolosha ah.

Dadkaan ayaa ciidamadu waxa ay siinayeen qofkiiba lacag dhan 100,000 oo Shilin Soomaali ah lacagtaas oo ay ka jareen Mushaarkii ay qaateen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyay talaabadan ay qaadeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ayna ka mid tahay qorshaha Cusub oo ay la timid dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo).

Sawiro

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment