2376 Views

Maamulka Hirshabelle Oo ka Hadlay Dhibaato ka taagan Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

Maamulka Hirshabelle Oo  ka Hadlay Dhibaato ka taagan Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi  Xuseen “ Cali Guudlaawe” ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Maamulka Hirshabeelle ay dhib weyn ku qabaan isticmaalka wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu sheegay in saacado badan ay qaadaneyso isticmaalka wadada isa markaana uu waqti kaga dhumayo dadka Soomaaliyeed ee isticmaalayo wadadaasi.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha dhismayaasha ka shaqeeya in ay xooga saaraan dhismaha iyo dayactirka wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu ku baaqay in meel loogu soo wada jeesto sidii wax loogu qaban lahaa burburka wadada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi  Xuseen “ Cali Guud laawe” ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka isla markaana kala shaqeeyaan hormarinta degaanada Hirshabeelle.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment