2418 Views

UK oo Laba Jibaaraysa Taageerada Gargaarka ee Soomaaliya

UK oo Laba Jibaaraysa Taageerada Gargaarka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah.

Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya.

Soomaaliya  oo ah dal ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xagjirnimo oo malaayiin qof ay ka carareen guryahooda, taageeradanada maaha kaliya caawinta dadka si ay u noolaadaan, waxaa kaloo la siinayaa fursad ay ku doortaan noloshooda iyo mustaqbalkooda si aan loogu qasbin inay ku biiraan kuwa xagjirka mise ay galaan safarka halista ah ee dibadda.

Dowladda Itoobiya waxay muujisay hogaan adag abaartii 2016 waxayna la yimaadeen in ka badan 700 milyan oo doolar si ay u daboolaan baahida dadkooda. Waxaan la shaqeynaynaa dowladda si loo hubiyo in ay si waxtar leh uga jawaabaan sanadkan, si loo qorsheeyo isla markaana mudnaanta loo siiyo ayna kor u qaadaan maalgalintooda ay uga jawaabayaan abaarta.

 Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa waxay tiri:

 “Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

 “Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK.”

 “UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.”

 “Dunidu waa inay nagu dayato isla markaana an tallaabo qaadno si aan u cirib tirno dhibaatooyinka bani’aadamnimada oo halis  galiya xasiloonida caalamka isla markaana aan dardar galino horumarka nabadda iyo ammaanka- taas oo dan u ah cid kasta.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment