2658 Views

Dagaal Horleh Oo Lagu Dhawaaqay

Dagaal Horleh Oo Lagu Dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017-Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay duulaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee ISIS.

Haider al-Abadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay telefishinka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor duullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.

Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment