2574 Views

Computer uriya qarxyada oo la soo saaray

Computer uriya qarxyada oo la soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Oshi Agabli oo u dhashay dalka Nigeria ayaa sheegay in uu gabo gabo u marayo ku guuleysiga Computer urinaya qaraxyada.

Waxaa uu ka hadlayay Shirka TEDGlobal  ee ka socda Dalka Tanzania,kaas oo looga hadlayay horumarka Tignolojiyadda ee kaas oo Sanadkan ay marti gelisay Tanzania

Computer-kan kuma saleysa Macdanka Silicon,waxaa uu leeyahay Neerfaha Doolliga ama Jiirka,taas oo ka saacideysa urinta walxaha qarxa.

system-kan waxaa loo tababaray in uu uriyo ama ogaado urta Walxaha Qarxa ,waxaana la filayaa in uu beddel rasmi ah u noqon karo agabka loo adeegsado amaanka Garoomada diyaaradaha ee hadda duugga noqday.

Qubarada Tignolojiyadda ayaa rumeysan in Computer-kan uu yeelan doono suuq fiican,waxaana la saadaalinayaa in uu ka wanaagsanaan doono Computerrada sida bani’adamka u shaqeeya ee ROBOT-ka loo yaqaan.

Sharikadaha waaweyn ee Tignolojiyadda ee Google ilaa  Microsoft, ayaa ku howllan sameynta Cpomuterrada caqliga leh,kuwaas oo loo raadinayo hanaanka shaqada maskaxda Bani’adamka oo kale.

Computerrada oo uu bani’adamka sameeyo ayaa la isku raacay in xisaabaadka ay uga wanaagsanyihiin Maskaxda bani’adamka marka ay noqoto isku darka,isku dhufashada ,isu qeybta iyo kala jaridda wadar xisaabeed badan mar kaliya.

Mr Agabi,oo wax laga weydiiyay shidaalka ama tamarta uu ku shaqeynayo Compuetrkan si uu u uriyo qaraxyada ayaa ku doodaya in uu xiriir la leeyahay Dhaqtar Biolojiga qabiir ku ah,kaas oo isna ka shaqeynaya qeybta neerfaha ee Compuetrkan,waxana uu intaa raaciyay in Tignolojiyadda iyo Biolojiga ay isku midyihiin,waxaana uu ku faanay in dhamaan howsha Compuetr-kan ay tahay maskaxda aadana oo la koobiyeeyay,sida ay u shaqeysana u shaqeyn doona.

.

Isha:BBC Africa

,

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment