2463 Views

Dhagayso:–Madaxweyne Siinlaayo Oo Farriin u diray Xisbiyadda Doorashada Isku hayo Ee Maamulkaasi

Dhagayso:–Madaxweyne Siinlaayo Oo Farriin u diray Xisbiyadda Doorashada Isku hayo Ee Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay Cabashooyinka iyo sidoo kale isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Sharciga iyo kala dambeynta inta guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqayaan Cidda ku guuleysatay doorashaddii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday Somaliland.

Waxaa uu ka codsaday Xisbiyadda in aysan guul sheekan oo aysan Shacabka kicin,iyadoo aan wali la shaacin Natiijadda doorashadda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu dambeyntii xusay in doorashadii Somaliland ay ku dhacday si cadaalad ah, islamarkaana aysan jirin ku shubasho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment